|
Baydhabo,(insidesomalia.org)- Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa saaka la filayaa inay ka doodaan Heshiiskii dhowaan Dalka Itoobiya ku gaareen Madaxda ugu sareysa Dowladda Soomaaliya, kuwaasoo in muddo ah khilaaf u dhaxeeyay.
Xildhibaanadu ayaa waxay yihiin kuwo aad uga soo horjeeda heshiiska ay garwadeenka ka aheyd Dowladda Itoobiya, kaasoo ay ku soo afjartay Khilaafkii majaraha adkaa ee ka dhex taagnaa Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha.
Qodobadii ka soo baxay Heshiiskii Itoobiya waxaa maalintii khamiista Baarlamaanka hortiisa ka hor aqriyay Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde, waxaana uu Xildhibaanada kala kulmay buuq iyo sawaxan, taasi oo muujineysay sida ay ugu qanacsaneyn heshiiskaas ay wada gaareen.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa moodaa inuu la soo baxay fir fircooni dheeri ah, waxaana ay yihiin kuwo boorka iska jafaya wax qabad la'aanta iyo fadhiidnimada, waxaana ay badankood ku dadayaan sababta ka dambeysa in marka uu khilaaf soo dhex galo Madaxda Dowladda in Addis Ababa looga yeero, dabadeedna lagu soo heshiisiiyo, taasoo ay ku sheegeen mid aan waafaqsaneyn axdiga Kmg ah.
Lama oga sida Xildhibaanadu u waajihi karaan meel marinta qodobada ay ku heshiiyeen Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha, waxaase hubanti ah in Baarlamaanka mar kale uu maanta soo dhex galo buuq iyo jahwareer ballaaran, sida maalmahan looga bartay, waxaana fadhiyada Baarlamaanka labadii maalmood u ekaa sida Goob shineemo lagu daawado oo ku caan ah buuqa iyo foorida.
|